Monday, December 11th, 2017

XOG: Farmaajo Oo Diyaarsaday Warqaddii Xilka Looga Qaadayey Sanbaloolshe?

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa diyaarsaday warqaddii xilka looga qaadi lahaa Taliyaha NISA Mudane Sanbaloolshe.

Sanbaloolshe oo lagu gaadayey fursad xilkaan looga qaado maadaama markii uu dhiibay Qalbidhagax uu diiday inuu is casilo ayaa hadda lagu helay.

Dagaalkii ka dhacay Haanta dheer ayaa loo saariyey inuu qaaday isaga oo aan cidna soo wargelin, sidoo kalena aan la tashi kala sameyn hay’adaha amniga kale ee talada kala dhaxeyso.

Sidoo kale waxaa Sanbaloolshe loo arkay shaqsi iska horkeynaya shacabka Soomaaliyeed iyo sidoo  kale dowladda Federaalka.

Hadda waxa uu madaxweynaha go’aansaday in xilka uu ka qaado Sanbaloolshe, warqaddii waa uu qortay madaxweynaha, kaliya inuu saxiixo ayaa ka haray.

Nagala Soo Xiriir

sirsideTeam@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *