Sunday, November 19th, 2017

Xil. FIQI: “Farmaajo Wuxuu Bilaabay Inuu Soo Celiyo Fool-Xumo Aan 1997 Dagaalkeeda Bilownay?

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah Xildhibaanada sida weyn uga soo horjeedo siyaasadda Dowladda Farmaajo ayaa ka dhawaajiyey sababta keentay inuu mucaarado dowladda uu calanka u hayo Farmaajo.

Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay inuu Farmaajo bilaabay fal foolxumo ah oo uu sheegay in la dagaalankeeda ay soo bilaabeyn 1997 markaas oo la bilaabay aas aasitaanka Maxkamadihii Islaamiga ahaa ee ka curtay Soomaaliya oo uu isaga kamid ahaa dadkii howshaas bilaabay.

Wuxuu sheegay inay aheyd sababta keentay in la aasaaso Maxkamadaha Islaamiga ah markii ay hoggaamiye kooxeedyada bilaabeen inay culumadii Soomaaliyeed iyo shaqsiyaad muhiim ah ka dhoofiyaan dalka iyagoo ka iibsanayo dowlado Shisheeye.

Wuxuu tilmaamay inay lasoo dagaalameen hoggaamiye kooxeedyadaas isla markaasna ay ciribtireen, balse wuxuu tilmaamay in ficilo noocaas oo kale ah ay hadda bilowday dowladda Farmaajo kadib markii ay Qalbi Dhagax u gacan gelisay dowladda Itoobiya sida uu isaga hadalka u dhigay mar uu saxaafadda la hadlay isagoo ku sugan mgaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay inuusan marnaba taageeri doonin dowladda Farmaajo inta ay Qalbi Dhagax kusoo celineyso dalkiisa hooyo ama uu meesha ka saarayo dowladda Farmaajo iyo Xukuumadda Xasan Cali Kheyre.

Hanjabaadda Fiqi ayaa kusoo aadeyso xilli Baarlamaanka Soomaaliya ay guddi u saareyn arrinta Qalbi Dhagax, waxaana guddigaas laga sugayaa sida uu Baarlamaanka u arko Go’aankii xukuumadda Xasan Cali Kheyre ay ka gaartay Qalbi Dhagax iyo ONLF.

Si kastaba ha ahaatee, Fiqi ayaa ah shaqsi abaabul badan, waxaana la rumeysan yahay inuu yahay nin Siyaasadda wax ka badali karo, iyadoo la xasuusto waqtigii doorashadii Soomaaliya ka dhacday ee uu Farmaajo ku guuleystay inuu saameyn xoog leh ku lahaa arrintaas, waxaana waqtigii nasashada doorashada la arkayey Farmaajo iyo kooxdiisa oo ku hareereysan Fiqi oo ciyaarayey nashaqadda Doorashada ee Farmaajo kusoo baxay

Nagala Soo Xiriir

sirsideTeam@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *