Friday, October 20th, 2017

DHAGEYSO:Farmaajo Iyo Kheyre Oo Ka Been Sheegay Ciidanka Xoogga Dalk Somalia?

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul waaare Xasan Cali Kheyre ayaa ka been sheegay ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, kuwaasi oo baahiyo badan qaba.

Xogtu waxay sheegeysaa in Muddo 6 bil ah aysan ciidanka xoogga dalka qaadan wax lacag ah, islamarkaana ay baahiyo la joogaan.

Madaxdaan ayaa sheegay in  lacagtooda ay si toos ah u siiyaan bil walbo ciidanka xoogga dalka, hase ahaatee baaritaan ay sameesay Websedka Sirside.com ayaan ku ogaannay in taasi ay been abuur tahay.

Sarkaal xoogga dalka ah oo si hoose ula hadlay Sirside, islamarkaana diiday in  magaciisa aan baahinno ayaa sheegay in ay ku dhow yihiin iney iska kala tagaan, maadaama dowladdii ay ku tashanayeen aanay wax lacag ah bixin.

Nagala Soo Xiriir

sirsideTeam@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *