Sunday, November 19th, 2017

DHAGEYSO:-Taliyihii Nabad-Sugida Degmada Kaxda Oo Weerar Lagu Dilay?

Duhurnimadii Maanta ayaa Koox hubeysan oo wadatay Gaari NOAH, waxa ay Xaafada Xoosh ee degmada Dharkenley ku rasaaseeyeen Gaari uu la socday taliyaha Ciidanka Nabad-Sugida degmada Kaxda kaas oo Magaciisa lagu sheegay Maxamuud Cabdiraxmaan Qooleey.

Qof ka mid ah dadka ku nool Xaafada Xoosh oo uu falka ka dhacay ayaa Dalsan u sheegay in Gaariga uu watay taliyaha oo ahaa Gaari yar oo nooca raaxada ah ay kooxda kale oo wadatay gaariga ay rasaas ku fureen kadibna ay Goobta ka baxsadeen.

Waxa uu sidoo kale sheegay goobjoogaha in taliyaha oo ka yimid dhanka Ex –Koontorool kuna sii jeeday degmada Kaxda sidaasi loo weeraray.

Nagala Soo Xiriir

sirsideTeam@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *