Sunday, November 19th, 2017

DHAGEYSO: 300 Ruux Soomaali ah oo laga soo Badbaadiyay Ciidamada Oromada?

Madaxweynaha Dowlad degaanka Soomaalida dalka Itoobiya Cabdi maxamuud Cumar, ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada Maamulkaasi ay soo badbaadiyeen 300 ruux Soomaali oo ay layn rabeen Qowmiyada Oromada dalka Itoobiya.

Wuxuu sheegay dadkaan in laga soo badbaadiyay Magaalada Hawaday ee dalka Itoobiya, kadib markii halkaasi lagu dilay 42 ruux oo Somali ah.

Cabdi Maxamed Cumar, ayaa hadalkaan wuxuu ka sheegay aas wadareed loo sameynaayay 18 ruux oo ka mid ahaa dadkii Soomaalida ahaa ee lagu laayay Magaalada Hawaday ee dalka Itoobiya.

Nagala Soo Xiriir

sirsideTeam@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *