Sunday, November 19th, 2017

War Deg Deg Ah:Kheyre iyo Mahad Salaad oo Kulmay Muqdisho?

Waxaa habeenkii xalay ahaa fadhi aad u dheer wada yeeshay Xil. Mahad Salad iyo RW Kheyre, fadhigaan ayaa waxaa si wadajir ah uga soo shaqeeyay Senator. Dhagdheer, Ganacsade Xuseen Goleey iyo siyaasiga Cali Daacuun sida aay u sheegeen Sirside.com howlwadeenno ka tirsan xafiiska RW Kheyre.

RW Kheyre ayaa in dhaweydba isku dayaayay in uu la heshiiyo Xildhibaan Mahad Salaad iyo Xil. Axmed Macallin Fiqi, waxaa ugu danbeyntii uu ku guuleystay in uu soo dhaweysto Mahad Salad.

Xil. Mahad Salad ayaa lagu qanciyay in uu si hoose ula shaqeeyo RW Kheyre, kulankaan oo aay goobjoog ka ahaayeen Ganacsada Xuseen Goley iyo Xil. Dhagdheer ayaa RW Kheyre wuxuu ballan qaaday in arrimaha beesha uu matalo Mahad Salaad lagala tashan doono, waxaa sidoo kale loo ballan qaaday in uu ka mid noqon doono xukuumadda marka la sameeyo isku shaandheynta taasoo uu RW Kheyre carrabka ku dhuftay in aay dhici doonto marka uu ka soo laabto safar uu Isniinta ku tagaayo dalka Mareykanka.

Waxaa xusul duub ugu jiray in kursiga beesha Ceyr Habar Gidir uu qaato mid ka mid ah musharaxiintii laga guuleystay Cabdiraxman Cabdishakuur, waxayse hadda u egtahay in rajadii uu lahaa uu god dheer ku aasay Xildhibaan Mahad Salad.

Nagala Soo Xiriir

sirsideTeam@gmail.com

One Response to War Deg Deg Ah:Kheyre iyo Mahad Salaad oo Kulmay Muqdisho?

  1. Ali Somali says:

    Mahad Salaad haddii uu aqbalo jago wasiir wuxuu ku biirayaa caado-qaateyaasha.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *