Sunday, November 19th, 2017

Mucaaradka Dowladda Farmaajo Oo Ku Doodaya Inuu Jawaari Heshiish La Galay Kheyre Kuna Saabsan Arrinta Qalbi Dhagax.

Saddex maalin ka hor ayay aheyd markii Barlamaanka Soomaaliya ka doodeen arrinta Qalbi Dhagax oo ah Muwaadin Soomaaliyeed kana tirsanaa Ururka ONLF oo Dowlada Soomaaliya u gacan galisay dowlada Itoobiya.

Gaba-gabadii Doodaasi oo aad u dheereed Xildhibaano badan oo Mucaarad iyo Muxaafid isugu jirana ka hadleen ayaa Guddoomiyaha Barlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Guddoonkiisa ku dhawaaqeen inay Guddi u saareen arrinta Qalbi Dhagax, waxuuna Jawaari sheegay in Magacyadda Guddigaasi uu la wadaagi doono Xildhibaanadda iyo Shacabka.

Muddo saddex (3) maalmood ah ayaa kasoo wareegay maalintaasi ilaa haddana ma jiiro Guddi Baarlamaan oo la magacaabay isla markaana ilaa hadda Guddoonka Barlamaanka arrintaasi wax la tashiyo ah kalama sameynin Guddiyadda Joogtadda ah ee Baarlamaanka iyo Xildhibaanadda.

Wariyaheena Muqdisho waxuu soo sheegayaa in Guddoonka Barlamaanka hadda u qorsheyesan tahay inuu arrintaan u magacaabo Guddi Xildhibaano ah si ay Baarlamaanka ugu soo gudbiyaan Warbixin dhamaystiran oo ku aadan Arrinta Qalbi Dhagax ku saabsan.

Shabakada Sirside.com oo ay lasoo xiriireen Xildhibaanada Mucaaradsan dowlada Soomaaliya ayaa sheegay inuu jiro heshiish dhex maray Jawaari iyo Kheyre kuna saabsan in Isku Shaandhaynta Wasiiradda uu xubno ku yeesho Jawaari, iyo in mid ka mida Taliyayaasha Ciidamadda Qalabka Sidda uu isagu keensado qof uu danaynayo loona magacaabo isagana fududeeyo oo Xukuumada gacan ku siiyo sidii arrinta Qalbi Dhagax ugu guuleysan laheyd.

Guddoomiye Jawaari ayaa Xukuumadda hadda dhisan waxay u xayirnayd Usbuuc dhan in isaga lagu qanciyo inaan Wasiir loo magacaabayn Maxamad Aadan Fargeeti oo ahaa Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumaddii Cumar C/rashiid, waxaana la rumaysan yahay in haddana uu doonaya in Fargeeti laga dhigo Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Xildhibaanadaan Mucaaradka ah ayaa Sirside.com u sheegay inay Jawaari Gurigiisa ugu tageen xalay isla markaana uu diiday inay kala hadlaan wax la xiriira Qadiyadda Qalbi Dhagax iyo Guddigii uu balan qaaday, wuxuuna ku gaabsaday inay isaga ka war sugaan illaa iyo waqti uusan cayimin. taasoo u muuqata in Rajadii laga qabay yagleelidda Guddi Baarlamaani ah oo ka soo tala bixiya go’aankii ay Xukuumaddu ku dhiibtay Qalbi Dhagax.

RW Xasan Kheyre oo dhawaan kulan Saxaafadda Xukuumadiisa waxii ay qabatay laga weydiinayay ka qeyb-galay ayaa beeniyay inay jirto isku shaadheyn uu sameynayo, waloow warar kalena sheegayaan inuu xiligaan ku qasban yahay inuu isku shaadheyn sameeyo Xildhibaanada Mucaaradsan qaarkoodna Wasiiro ka dhigo si Xukuumadiisa culeyska ka heysta Barlamaanka uu kaga dago waa marka uu Safarka New Yowk ee shirka QM ka yimaado kadib.

Si kastaba ha ahaate, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Guddoomiyaha xiligaan ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa loo arkaa nin Waayo Arag Siyaasadeed ah oo xilal kala duwan kasoo qabtay Dowladihii dalka soo maray tan iyo Dowladdii Milatariga ahayd laguna sheego Siyaasi Qunyar socod ah oo inta badan dhex-dhexaad ah ayaa waxaa shaki weyn laga muujinayaa xaqiiqnimada heshiishka Mucaaradka sheegayaan inuu la galay RW Xasan Cali Kheyre.

Nagala Soo Xiriir

sirsideTeam@gmail.com

One Response to Mucaaradka Dowladda Farmaajo Oo Ku Doodaya Inuu Jawaari Heshiish La Galay Kheyre Kuna Saabsan Arrinta Qalbi Dhagax.

  1. Ali Somali says:

    Haddii Jawaari uu yahay nin khibrad siyaasadeed leh wuxuu soo bandhigi lahaa ra’yigiisa ku aadan cadow-u-gacangelinta qalbi dhagax.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *