Tuesday, September 19th, 2017

Turkish Airlines oo lacag Badan ka Sameysa Duulimaadka Somalia iyo Africa?

Markii ay Shirkadda Diyaaradaha Turkish Airlines bilowday Duullimaadka Tooska ee ay maalin kasta ku yimaadaan dalka Somalia, guushaasi wey rumeysan kari waayey Shirkadaha kale.

Maareeye- Gobaleedka Turkish Airlines u jooga dalka Kenya, Mustafa Ozkahraman ayaa sheegay inay Somalia ka mid tahay meelaha ay macaashka ugu badan ka helaan ee Duullimaadyadda ay ku kala bixiyaan dalalka Caalamka.

Isagoo la hadlayey Wakaalladda REUTERS  waxa uu sheegay inay sababtu tahay Shirkadda keliya ee Caalamiga ee ugu horreysay, ahna tan keliya ee Somalia u duusha.

Maareeye- Gobaleedka Turkish Airlines u jooga dalka Kenya, Mustafa Ozkahraman waxa uu tilmaamay inay dad badan u maleeyaan inaysan Duullimaadyadeena taga Somalia ahayn wax ganacsi ku xiriirsan.

Waxa uu intaasi ku daray waxaan sameynaa suurto-galnimada iyo inay rumeysan yihiin inuu Duullimaadyada Somalia noqon doonaan kuwo laga faa’ido  haatan ama waqtiyada soo socda.

Turkish Airlines oo saldhigeeda dhexe ku yaallo magaalladda Istanbul waxay culayska saartay Duullimaadyadda dalalka Afrika, inkastoo Xiisadihii Siyaasadeed ee sannadkii hore ka dhacay Turkiga sababtay inay Shirkaddu gaarto meeshii ugu xumayd markii ugu horreysay muddo 17-sanno.

Sannadkii 2011-kii, Turkish Airlines waxay u duuli jirtey 14 magaallo oo ku yaalla Qaaradda Afrika, balse, dhamaadka sannadkan waxaa u qorsheysan inay ka hawl-galaan 52 Duullimaad oo ka bilaabanaya Garoonka Istanbuul, kuna tegi doonto dalalka ku yaalla Qaaradda Afrika

Qorshahaasi ayaa bilaaban doona marka uu dhaqan galo duullimaadka Turkish Airlines ku tegi doonaan Caasimadda dalka Sierra Leone ee Free Town.

Saamiga Guud ee Turkish Airlines waxaa 49% iska leh Dowladda, waxayna ahmiyad siinayaan Qaaradda Afrika oo ay ku nool yihiin 1 Billion oo qof.

Nagala Soo Xiriir

sirsideTeam@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *