Sunday, November 19th, 2017

DHAGEYSO:Wasiir Ka Hadlay Arinta Qalbi Dhagax oo Xilka Laga Qaaday!!

Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulka Puntland Eng C/xakiin Xaji Cumar (Camey) ayaa xilkii ka qaaday Wasiiru dowlaha madaxtooyada Puntland iyo xiriirka gobolada, Bashiir Cabdiraxmaan Gurxan, kadib markii uu ka hadlay Todobaadkaan arinta dhiibida C/kariin Shiikh muuse (Qalbi Dhagax) oo ka Tirsan jamahadda ONLF.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda Puntland ayaa lagu sheegay in xilkii laga qaaday Mudane Gurxan,, islamarkaana lasoo magacaabi doono mas’uulkii badali lahaa.

Arintaan ayaa loo aanaynayaa wareysi uu Wasiir u dowlaha madaxtooyada Puntland iyo xiriirka gobolada, Bashiir Cabdiraxmaan Gurxan uu siiyay Todobaadkan warbaahinta oo ku sheegayay in Dowladda Soomaliya ay ku saxneed go’aankii ay ku dhiibtay C/kariin Shiikh muuse (Qalbi Dhagax) oo ka Tirsan jamahadda ONLF.

Halkaan Hoose ka Akhriso

Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng. Cadixakiin Xaaji Cabdullahi Cumar Camey ayaa xeer Lr-19 September 13 2017, xilka kaga qaaday Wasiirru Dawlihii Madaxtooyada ee Xirirka Gobolada Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Puntland.

Markuu Arkay: Dastuurka Dawladda Puntland.

Markuu Arkay: Habdhaqan lidka ku ah Hannaanka Dawladnimo.

Markuu Garawsaday: Mas’uuliyad darrada uu ku kacay.

Wuxuu Xeeriyey:

1. Wuxuu xilkii ka qaaday Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada ee Xiriirka Gobolada Puntland Bashiir Cabdiraxmaan Xaaji Gurxan.

2. Xeerkani Wuxuu dhaqan-gelayaa Markuu Madaxweyne Ku-xigeenka Saxeexo, wuuna saxeexay Madaxweyne Ku-xigeenku.

DHAMAAD

Nagala Soo Xiriir

sirsideTeam@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *