Sunday, November 19th, 2017

DHAGEYSO:Xildhibaanada Mucaaradka Ee Labada Aqal Oo Muqdisho Ku Shirsan ?

Wararka aan ka heleyno qaar kamid ah Hoteelada ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaa uu ka socdo is xulufeysi u dhexeeya Xildhibaanada Golayaasha Aqalka Sare iyo kan hoose ee baarlamaanka Somalia.

Is xulufeysiga Xildhibaanada labada Aqal ayaa salka ku haya sida looga gudbi lahaa cadaadis kaga imaanaya dhanka Xukuumada Somalia iyo sida ugu sahlan ee looga dhabeyn lahaa dooda arrinta Qalbi Dhagax oo ay is hortaagtay dowlada.

Xildhibaanada uu is xulufeysiga u dhexeeyo ayaa gaaraya ilaa 90 kuwaa oo weli ku howlan suuragalnimada in la kordhiyo tirada hadda ku mideysan arrinta Qalbi Dhagax iyo la xisaabtanka Xukuumada.

bshir Bukhaari, Muuse Suudi Yalaxow, Mustaf Maxamed Qoodax, Cusmaan Axmed Macow, Maxamed Amiin Sheeq Cusmaan, Axmed Xaashi, Nuuro Faarax Jaamac iyo Cabdirisaq Axmed Ibrahim.

Xildhibaanada Aqalka Hoose ee ka shaqeyneysa in Xukuumada lagu cadaadiyo arrinta Qalbi Dhagax ayaa waxaa kamid ah:

Mahad Salaad, Zakariye Xaaji, Maxamuud Abuukaate, Axmed Fiqi oo miisaan ku dhex leh Siyaasada Somalia, gaar ahaan Golaha ay ka tirsan yihiin ee baarlamaanka Somalia.

Nagala Soo Xiriir

sirsideTeam@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *