Monday, September 18th, 2017

DHAGEYSO:Roobow oo Ka Baaqday Safarkiisa Magaaladda Baydhabo?

Warar uu helay Gundhig.com ayaa xaqiijinaya in Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali Abuu-mansuur kasoo bixitaankiisii Al-shabaab kadib maalmahaan ku sugnaa Magaalada Muqdisho uu maanta ka baaqday tagitaanka Magaalada Baydhaba ee xarunta KMG ee Maamulka K/galbeed oo lagu waday inuu tago.

Warkaan waxaa xaqiijiyay Masuuliyiin Ka Tirsan Maamulka Koonfur-galbeed oo ka cudur-daartay in magacooda iyo codkoodaba aan adeegsanno,kuwaas oo ka gaabsaday in sheegaan sababta keentay Baaqashada Safarka Hoggaamiye Abu Rooboow Mansuur.

Saraakiisha iyo Masuuliyiinta oo warkaan  kasoo xiganay waxay kaloo inoo sheegeen in Maalinta barri ah la qorsheeyey in laga dhigo Safarka Manta uu ka baaqday Muqaar Rooboow Cali (Abuu mansuur).

Magaalada Baydhaba ee Gobolka Baay ayaa waxaa shalay gaaray Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaan-dhigga Soomaaliya C/rashiid C/llaahi Maxamed iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya kuwaasi  oo kulamo la qaatay Madaxda iyo saraakiisha Dowladd goboleedka Koonfur Galbeed Soomaliya.

Nagala Soo Xiriir

sirsideTeam@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *