Tuesday, September 19th, 2017

DHAGEYSO:Xasan Sheekh Oo Cadeeyay ONLF Inay Argagaxiso Yihiin Iyo RW Kheyre Oo Runta Shacabka U Sheegay.

Wabsedka Sirside.com ayaa dib ugu soo heshay Keyd-keeda Muuqaal ay meel-dhigtay kuna saabsanaa Wareysi uu TV-ga ESTV ee Jigjiga laga leeyahay siiyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud xilli uu booqasho ku tagay magaalada Jigjiga ee caasimada Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Xasan Sheekh Maxamuud oo Su’aal aheyd la weydiiyay in maleeshiyaadka Ururka ONLF soo dhex-maraan Soomaaliya xarumana ku leeyihiin oo dulaan kaga soo qaadaan Itoobiya ayaa sheegay inay yihiin Argagagxiso baneysay dhiiga Shacabka Soomaaliyeed isagoo ugu yeeray magaca UBBO, waxuuna sheegay inay al-Shabaab Saaxiib la yihiin wada shaqeyna ay ka dhaxeyso ONLF iyo al-Shabaab.

Xasan Sheekh waxuu tilmaamay inay si isku mid ah ugula dagaalami doonaan koox kasta oo ONLF oo kale ama al-Shabaab oo kale ah meel kasta oo ay joogaan Dunida isla markaana Dowlada Itoobiya heshiish kula galeen inay ammaanka iskala shaqeeyaan kooxaha noocaas oo kale ahna meel ugu soo wada jeestaan.

Nagala Soo Xiriir

sirsideTeam@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *