Sunday, November 19th, 2017

AKHIRISO:Qodobka Codka kalsoonida ee Dastuurka oo Xaalka Kheyre ka Dhigaya Mid Rajo Beel ah !

Xukuumadda uu horkacayo Ra,isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa la filayaa in berri laga keeno mooshin codka loogu qaadayo kadib markii ay xildhibaano badan oo ka tirasan Baarlamaanka Soomaaliya ka hor imaadeen tallaabadii Xukuumadda ay Qalbi Dhagax ugu dhiibtay Dowladda Itoobiya.

Haddaba dad badan ayaa is waydiinayo codka ama tirada looga baahan yahay xildhibaanada doonayo inay xilka ka qaadaan Xukuumadda Kheyre.

Sida uu qabo Dastuurka dowladda Soomaaliya, RW  Soomaaliya ayaa lagu ridi karaa 50 + 1 oo macnaheeda tahay tirada guud ee Xildhibaanada  inay kalsoonida ka qaadidda taageeraan laba meelood hal meel oo lagu daray 1 ( 50 + 1 ).

Nagala Soo Xiriir

sirsideTeam@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *