Saturday, November 18th, 2017

XOG: Madaxweyne Farmaajo oo Xil Culus ku Abaalmarinaya Shiikh Shariif shiikh Ahmed?

Madaxweynihii hore ee dalka soomaaliya Sheekh shariif oo haatan kusugan magaalada muqdisho ayaa kulamo xoogan ee lagu daminaayo xasarada siyaasadeed ee kadhalatay Qalbi Dhagax ka wado magaalada muqdihso.

Sheekh Shariif oo xiligaan tageero weyn u ah Farmaajo ayaa lashegayaa in kulamo la qaadanaayo xildhibaanada barlamaanka soomaaliya kuwaasi oo mooshin kawado xukumada Xasan Cali Kheyre.

Sheekh Shariif ayaa saacadihii ugu danbeyse gurigiisa kula kulmay xildhibaanada katirsan ururka Daljir oo saameyn xoogan kudhex leh barlamaanka madaama ay soo saarayn madaxweyne Farmaajo.

Kulamadaas oo saacado qaatay ayaa lasheegay in Sheekh Shariif ku doonaayo sidii u damin lahaa xasarada siyaasadeed ee arintaasi kadhalatay inkastoo warbaahinta aan loo shaacin waxyaabaha kusoo kordhay.

Isku soo wada duub xarunta golaha shacabka ayaa xiligaan kataagan kacsanaan dhanka siyaasada ah kadib markii xildhibaano farabadan kasoo horjeysteen go aankii xukumada ay ka qaadatay dhiibista Qalbi Dhagax.

Nagala Soo Xiriir

sirsideTeam@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *