Saturday, July 22nd, 2017

DHAGEYSO: Maamulada Puntland iyo Galmudug oo Tababar u furay Ciidamo labada dhinac lagakala keenay

Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa maanta waxa ay Garoonka Diyaaradaha magaalada Gaalkacyo C/laahi Yuusuf Tababar ugu fureen Ciidamo isku dhaf ah, oo ka shaqeynaya amniga guud ee gobolka Mudug.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/xakiin Xaaji Cumar (Camey) iyo Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Cabdi Xaashi (Carabey) ayaa si rasmi ah u furay Tababarkan.

Ciidamadan oo horay loo diyaariyay ayaa Tababarkooda kadib waxa ay ka shaqeyn doonaan sidii ay Nabad ugu soo dabaali lahaayeen magaalada Gaalkacyo oo horey ay uga dhaceen Dagaalo.

Nagala Soo Xiriir

sirsideTeam@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *