Saturday, July 22nd, 2017

DHAGEYSO: Maamulka Deg/Deyniile Oo ka Mamnuucay Marista Gawaarida Xamuulka Qaada Degmadaasi.

Maamulka degmada Deeyniile ee Gobolka Banaadir ayaa sheegay in xiligaan wixii ka dambeeya ay mamnuuceen Gawaarida waaweyn ee Xamuulka qaada in ay degmadaaas soo dhex maraan kuwaas oo ka yimaada qeybo ka mid ah Gobolka Sh/Hoose.

Cabduweli Nuur Faarax,Gudoomiyaha Deg/Deeyniile oo Waresi gaar ah Xafiiskiisa ku siiyay warbaahinta ayaa sheegay in Gebi ahaanba ay mamnuuceen in Gawaaridaas ay soo maraan degmada deeyniile,kadib markii ay badatay in Gawaarida Waaweyn ee mararka qaar qaraxyada ka sameeya Muqdisho la sheego in ay deeyniile soo mareen.

Waxa uu sheegay in Gaarigii la arko ee Weyn isaga oo soomaraya degmada deeyniile ay geeyaan Ex Koontirool Afgooye,si baaritaano loogu sameeyo

Isagoo hadalkiisa siiwata ayaa waxa uu sheegay in ka Maamul ahaan ay diyaar u yihiin in ay ka Shaqeeyaan amniga degmada iyo Guud ahaan Gobolkaan Banaadi.

Nagala Soo Xiriir

sirsideTeam@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *