Friday, July 21st, 2017

Ururka Al-Shabaab oo warqado ey Dadka ugu digayaan ku daadiyay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho

Wararka naga soo gaaray dhowr degmo oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Shabaab ay warqado Hanjabaad ah ku daadiyeen. Warqadaha ay maleeshiyada ku daadiyeen degmooyinka ayaa waxaa ku qornaa Hanjabaado ku socda Hoteelada iyo Xarumaha dowlada ee ku yaala degmooyinka. Degmooyinka lagu daadiyay warqadaha maleeshiyada ayaa waxaa dadk  deegaanka lagu wargaliyey inay isaga fogaadaan xarumaha Dowlada iyo Hotelada ay ag daganyihiin

Degmooyinka Heliwaa,xaafadda suuqa xoolaha, Howlwadaag, qeybta suuqa Bakaaraha ayaa kamid ah goobaha lagu daadiyay warqadaha

Nagala Soo Xiriir

sirsideTeam@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *