Friday, July 21st, 2017

Madaxweynaha DFS Farmaajo oo dhambaal u diray Sacuudiga

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya  Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo ) ayaa ka tacsiyeeyay geeridii ku timid Amiir C/raxmaan Bin Cabdul Casiis oo ka mid ahaa  Qoyska Boqorka Sacuudiga.

Madaxweynaha ayaa sheegay in  uu dhammaan tacsi uu u diraayo qoyska reer boqor gaar ahaan boqolka Sacuudiga.

Dhambaalkaan  tacsida ah ayaa lagu daabacay bogga Twitter-ka Madaxtooyadda Soomaaliya , waxaana uu u qornaa sidaan.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo wakiil ka ah Dhammaan Shacabka Soomaaliyeed  ayaa wuxuu Alle ugu baryay inuu Janada Fardowso ka waraabiyo Amiirka Dhintay, sidoo kalana uu samir ka siiyo dowladda iyo shacabka uu ka baxay”ayaa lagu yiri war kasoo baxay Madaxtooyada..

Dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale dowladda Sucuudiga ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir wanaagsan , waxaana Madaxweynaha Soomaaliya uu safarkii ugu horreeyay Markii la doortay uu ku tagay dalka Sacuudiga.

Nagala Soo Xiriir

sirsideTeam@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *