Saturday, July 22nd, 2017

War Deg Deg ah:- Kenya oo Diyaarad Duqeeyay Gobolka Gedo

Wararka ka imaanaya Degaanka Kibis oo hoostaga Degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Diyaaradaha Dagaalka Kenya ay Maanta Duqeeyeen,waxaana Duqeymaha lala beegsaday Fariisimo Al-shabaab ay ku leeyihiin Degaanka Kibis.

Saraakiil ka tirsan Milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in Duqeynta lagu dilay Dagaal yahano ka tirsan Ururka Al-shabaab oo ku sugnaa Degaanka Kibis ee Gobolka Gedo.

Kenya weli wax Faah-faahin ah kama bixin Duqeynta Diyaaradaheedu ay ka fuliyeen Duleedka Magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo.

 

Nagala Soo Xiriir

sirsideTeam@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *