Friday, June 23rd, 2017

DAAWO: Ardayda kasoo jeeda Puntland Ee Ku Sugan Pakistan oo Eedayn kulul Usoo jeediyey Xaaska C.kariim Guuleed

Ardayda kasoo jeeda deeganada Puntland ee ku sugan Waddanka Pakistan ayaa ka cabanaya Safiirka Safaaradda Somalia ee dalkaas Marwo Khadija Maxamed Almakhzoumi, oo ah Xaaska Madaxwaynihii Hore ee Galmudug C.kariim Xuseen Guuleed

Qaar kamid ah Ardayda waddankaas u joogta waxbarashada oo la hadlay Idaacada Garoowe, ayaa sheegay inay la kulmaan Xarig, Hanjabaad iyo Haybsooc.

Mid kamid ah Ardayda oo lagu magacaabo Cabdikariim Xuseen Maxamed, ayaa sheegay inay soo wajahdsay xaalad adag oo u baahan in wax laga qabto, Xuseen oo ku sugan Magaalada Islamabad, ayaa tilmaamay in lagusoo rogay lacago dheeri ah iyo daahinta fiisayaasha dalkaas, taasoo uu xusay inay ka simanyihiin Ardayda Somalia, halka kuwa Puntland u dheertahay haybsoon ku aadan in il gooni ah lagu eego.

 

Nagala Soo Xiriir

sirsideTeam@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *