Saturday, August 19th, 2017

XOG:Maxaa ka jira in Zakariye Ismaaciil Xirsi loo magacaabay Taliyaha Qeybta Sirdoonka Soomaaliya?

Waxaa labadii maalmood ee la soo dhaafay soo xoogeysanayay warar sheegayay in Zakariye Ismaaciil Xirsi loo magacaabay Taliyaha Qeybta Sirdoonka ee Hey’adda Nabasugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA.

Ilo kala duwan ayaa sheegaya in Zakariye Ismaaciil loo magacaabay xilkaas, isagoo lagu bedelay nin horay u hayay xilkaas oo magaciisa lagu sheegay C/fataax.

Baraha Bulshada ayaa magacaabidan siyaabo kala duwan looga hadlayay, inkastoo aan la shaacin, hase ahaatee waxay u badan tahay in magacaabidiisa aheyd mid hoose.

Taliska Qeybta Sirdoonka ee Hey’adda NISA ayaa waxaa hoos-taga Hoggaanka Baarista, Hoggaanka Macluumaanka iyo Hoggaanka Gobolada

Zakariye Ismaaciil  oo soo noqday Madaxii Amniyaadka Al-Shabaab ayaa sanado ka hor isku soo dhiibay dowladda Federaalka, wuxuu ahaa sarkaalkii ugu heerka sareeyayee AlShabaab ka soo goosta ee isu dhiiba dowladda.

Mr Zakariye ayaa xilli ka mid ahaa shaqsiyaadka loogu doon doonista badnaa Adduunka, isagoo madaxiisa uu Mareykanka dul saaray lacag dhan 3-milyan, balse markii dambe laga saaray liiskaas, markii uu ka baxay Ururka Al-Shabaab.

Dowladda Federaalka ayaa dhowaan is bedelo ku sameysay Hoggaanka Guud ee Hey’adda NISA, iyadoo Taliye cusub iyo Taliye kuxigeeno la magacaabay, balse waxaa is casilay Taliye kuxigeenkii Howl galada ee NISA.

Nagala Soo Xiriir

sirsideTeam@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *